Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Oo Kulan La Qaatay Safiirada Dalalka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Friday March 18, 2022 - 21:48:23
0 Comments
377
KISMAAYO

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka laga hadlay arrimaha amaanka iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


Madaxweynaha jubaland ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah islamarkana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray.


Isagoo intaas ku daray in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay Mid Wanaagsan balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah.


Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed madoobe ayaa tilmaamay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab guul looga gaari karo in la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment