Agaasimaha KMG Ah Ee Hey'ada Sirdoonka & Nabadsugida Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Munaasabad Lagu Furayay Xafiisyada Taliyaha Qaybta Guud Ee NISA Galmudug.

Monday March 28, 2022 - 13:58:19
0 Comments
412
DHUUSAMAREEB

Agaasimaha KMG ah ee hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Yaasiin Cabdulaahi Fareey oo howlo shaqo u jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu furayay xafiisyada Taliyaha qaybta guud ee Ciidanka NISA Galmudug.


Kulaka dib u furida xafiisyada ayaa waxa ku sugnaa Agaasimaha KMG NISA Taliyaha Qaybta guud ee Ciidanka NISA ee Galmudug Mahdi Cumar Mumin(Macalin Mahdi) iyo sarakiil kale waxa ayna sarakiishu Agaasimaha warbixin ka siiyeen marxaladaha laga soo marey quruxda ka muuqata xafiisyada cusub ee la furay.


Iyadoola sheegay in shaqadooda oo aheyd mid iskutashi ah uu hormuud ugu ahaa saraakiisha Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Dhuusamareeb Najiib xirsi dhoore.


Agaasimaha KMG ah ee hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay isbadalka dhaqsida leh ee ka muuqda xafiisyada NISA ee Dhuusamareeb si gaar ah howshan ugu amaaney saraakiisha hormuudka ka aheyd iyo guud ahaanba taliska qaybta Galmudug oo la yimid tilmaamo uu sheegay in ay yihiin kuwo lagu faani karo oo muujinaya dowladnimo ay kuwada dayan karaan qaybaga kale ee xafiisyada ciidamada.


Ku dhawaad mudo sanad iyo badh ah oo qaybta guud ee ciidanka nisa ee Galmudug uu hoggaaminayay Col: Mahdi Cumar Mumin ayaa laga shaqeysiiyey dib u balaarin iyo dardar galin lagu sameeyay Ciidanka NISA ee Galmudug iyo xafiisyadooda oo la gaarsiiyey dhamaanba degmooyinka xorta ah in ay yeeshaan taliyayaal iyo ciidamo heegan u ah ka jawaabida baahiyaha Amni oo ay kala shaqeeyaan laamaha kale ee ciidamada,.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment