Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Oo La Kulmay Khabiir Q/Midoobay U Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Ee Soomaaliya

Tuesday March 29, 2022 - 14:12:19
0 Comments
318
BAYDHAO

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa la kulmay Khabiirka madaxa bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan.


Kulan waqti badan qaatay wafdiga iyo Madaxweynaha KGS waxay uga wada hadleen Abaaraha, Biya la’aanta, Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka kuwaas oo muhiim u ah dadka degaanadaas.


Kulanka waxaa ka qeybgalay Lataliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Madaxtooyada waxuuna ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment