R/Wasaaraha XFS Kulan La Qaatay Xog-hayeyaasha Guud Ee Labada Aqalka Barlamaan Federalka Soomaaliya.

Wednesday March 30, 2022 - 14:00:53
0 Comments
380
MUQDISHO

R/Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka ee labada Aqalka ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac.


Mudanayaasha labada Aqalka iyo R/wasaare Roole ayaa kala qaateey warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.


Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer geba-gebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha barlamaanka labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.


Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo geba-gebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment