R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Somalia Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug

Wednesday March 30, 2022 - 20:31:22
0 Comments
385
MUQDISHO

 

R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Somalia Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.


Labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga Galmudug, La dagaallanka Al-Shabaab, dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.


Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka soo laabtay safar uu maalmahan ku joogay dalka Tanzania.


Kulankan ayaa ku soo aadaya ayadoo ay soo baxayeen warar sheegaya khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, islamarkaana uu socdo abaabulka mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment