Boqortooyada Sacuudi Carabiya Oo sheegtay in maalinta beri ah Ay tahay Maalinta Ugu Horeeysa Ramadaan

Friday April 01, 2022 - 23:50:57
0 Comments
393
SUCIDIGA

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in maalinta beri ah oo sabtiya ay noqoneyso maalintaugu horeeysa ee bisha barakeesan ee Ramadaan , kaddib markii magaalooyin kamid ah Sacuudiga laga arkay bisha.


Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortootada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa shaaciyay in beri ay tahay Soon ayna caawa bilaabaneyso dukashada salaada taraawiixda.


Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana waddamada qaar wali wadaan xaqiijinta in beri ay u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.


Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaa Sheegtay inay beri tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment