Iska horimaad Caawa Dhexmaray Ciidamada Police-ka Magaalada Gaalkacyo Iyo Ilaalada Mid Kamid Ah Nabadoonada G/Mudug.

Thursday April 21, 2022 - 22:45:18
0 Comments
360
GALKACYO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad Caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Is rasaasayn ayaa dhex maray ciidanka police-ka Gobolka Mudug ee Puntland iyo ciidamo ilaalo ka hayay Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali.

Hal askari oo la socday Wasiirka ayaa ku geeriyooday is rasaaasayntaas, waxaana ku dhaawacmay 3-Ruux oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta police- iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo ruux kale.

Waxaa lagu daweeynayaa Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta isbitaalka modareen  warka ayaa intaasi ku daraya in dhaawaca Taliye kuxigeenka Koomaad uu yahay mid culus.

Arintaan ayaa ku soo Aadaysa kadib markii Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland ay soo saareen awaamiir lagu mamnuucayo in shirar siyaasadeed oo aysan dowladdu la soconin.

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment