Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Oo Qaabilay Danjire kuxigeenka Ergayga Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Thursday April 21, 2022 - 23:08:23
0 Comments
373
MUQDOSHO

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjire kuxigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ms. Fiona Lortan.


Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho iyo xayndaabkiisa, Waxaan ergayga Midowga Afrika ay sheegtay in si dhow ula shaqaynayaa Dawladda Soomaaliya.


Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Duran Farah ayaa sheegay in dhankiisa uu soo dhawaynayo Wada shaqaynta Saraakisha sare ee ATMIS iyo Midowga Afrika, waxanaa intaas uu ku daray in talooyin wax ku ool u ah Amniga Garoonka iyo Nawaaxigiisa la is dhaafsaday.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment