Xeer-ilaaliyaha Qaranka Oo U Yeeray Wasiirka Betroolka XFS

Thursday April 21, 2022 - 23:51:14
0 Comments
381
MUQDISHO

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Sababta u yeeritaanka ayaa waxaa lagu sheegay in wax looga weydiiyo Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Arintaan ayaa dhalisay muran siyaasadeed madaama wadanka uu ku jiro Xili doorasho taas oo la sugayo cida doorashadaas ku soo baxda.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment