Qarax Khsaaro Nafeed Dhaliyay Oo Caawa Lala Beegsaday Maqaayad Ku Taalla Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho

Friday April 22, 2022 - 22:20:34
0 Comments
424
MUQDISHO

Qaraxa ayaa lala eegtay maqaayad ku taalla Xeebta Liido magaalada muqdisho taas oo lagu magacaabay Hotelka Pescatore Sea Food oo Ah.

Walxaha Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay qarxyo, waxaa xigay kooxo hubeysan oo gudaha u gashay hoteelka.

Warka ayaa tilmaamaya in halka uu qaraxu ka dhacay uu ku sugnaa saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidankapolice-ka Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar.

sidoo kale waxaa hoteelka joogay tiro xildhibaano ah oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee laga doortay deegaanada Puntland.

Inta badan xildhibaanadii iyo taliyaha ciidankapolice-ka soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay nabad qabaan balse waxaa ku dhaawacmay taliyaha Saldhiga degmada Cabdicasiis iyo Ilaalo la socotay.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay lamana xaqiijin karo inta geeriyootay iyo inta dhaawacantay.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment