Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Saaka Gaaray Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo

Saturday April 23, 2022 - 13:23:09
0 Comments
345
CEELWAAQ

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa saaka gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaasoo ay ka socoto Doorashadii 16-ka kursi ee gobolka Gedo.


Maxamuud Sayid Aaden ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.


Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah inuu soo xiro doorashadii kasocotay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo maanta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranayo.


Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu gaaray degmada Ceelwaaq si uu ula socdo qaabka ay u dhaceysay doorashada xubnaha golaha shacabka ee degaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment