R/Wasaaraha XFS Oo Safar Ugu Amba Bixi doona Magaalada Geneva Ee Dalka Switzerland.

Sunday April 24, 2022 - 14:02:04
0 Comments
283
MUQDISHO

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

kulankaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sar sare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ee dunida, Rooble ayaa halkaasi ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta dalka.

Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, ayaa ku soo aaday xilli ay abaar ba’an ku dhufatay geeska afrika, islamarkaasna loo baahan yahay in indhaha Caalamka lagu soo jeediyo abaarta dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed .

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment