Kusimaha Madaxweynaha Puntland Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Mudug

Monday April 25, 2022 - 12:45:46
0 Comments
357
GAROOWE

Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug kaas oo ah Faysal Sheekh Cali Maxamed, oona bedelaya Guddoomiyihii Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah.


Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayna ku xigeen Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash kuna taariikheysan 24, Apriil 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.


Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.


Markuu arkay: Dastuurka Puntland.


Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.


Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.


Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.


Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment