Qarax Khasaare Nafeed Dhaliyay Oo Ka Dhacay Nawaaxiga isgoyska Banaadir Ee Magaalada Muqdisho

Monday April 25, 2022 - 13:35:56
0 Comments
422
MUQDISHO

Qarax xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay uu haleelay qeybo ka mid ah gaariga sarkaalka.


Gen. Maxamed Xaashi Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Militirga Soomaaliya oo la socday gaariga ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.


Waxaa Sidoo kale, ku naf waayay qaar kamid ah ilaaladiisa qaraxaas oo dhacay wax yar ka dib markii gaariga uu la socday taliyaha uu ka soo baxay xerada Villa Baydhabo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment