Xukuumada Federalka Somalia Oo Cambaaraysay Qaraxa Lala Beegsaday Sargaal Katirsan Ciidamada Mileteriga Soomaaliya.

Monday April 25, 2022 - 15:32:40
0 Comments
481
MUQDISHO

Afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa cambaareeyey qaraxii saaka ka dhacay meel ku dhow isogoyska Banaadir kaasoo lala beegsaday gaari uu la socday General Maxamed Xaashi Guuleed.


HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.


Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada  labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.


General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah  u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya. Ilaah ha caafiyo.

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment