Ciidamo Police-ka Soomaaliya Oo La Wareegeen Maanta Xarunta Golaha Barlamaanka Ee Villa Hargaysa

Tuesday April 26, 2022 - 13:53:19
0 Comments
370
MUQDISHO

 

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Booliska & NISA oo uu hoggaaminayo Taliyaha police-ka Soomaaliya Xijaar ay ku qasbeen inay ka guuraan Xarunta Baarlamaanka.


Sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan Shaqaalaha Golaha Shacabka loo diiday inay galaan Xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo Gudiga ay ka wadeen howlo loogu diyaar garoobayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo beri dhaceysa.


Sidoo kale Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada police-ka ay Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Buux ka xireen Xafiiska keddib markii uu damcay in kaararka aqoonsiga loo sameeyo xildhibaannadii shalay lagu dhaariyay Hotel Airport ee laga doo doortay Degmada Ceelwaaq.


Beri ayaa la qorshaynayaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, hayeeshee ay u muuqata in ay dib u dhici karto doorashada maadaama ay jiraan qalalaasooyin kala duwan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment