Madaxweynaha Dowlada Puntland Oo Kulamo Iyo Qado Maanta La Qaatay Ciidamada Madaxtooyada Puntland (SAWIRRO)

Friday November 05, 2021 - 22:16:09
0 Comments
27
Ahmed Rajaa
Garoowe

Madaxweynaha Dowlada Puntland H.E Siciid C/laahi deni ayaa maanta oo jimca ahayd kulamo iyo Qado la qaatay Ciidamada Madaxtooda dowlada puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Ayaa Yiri "Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta wakhti isu helnay oo wada qadeynay Ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe, waxay bud-dhig u ahaayeen isbedelkii aanu ku sameynay Ciidamada Puntland oo dhan, madaama ay Madaxtooyadu tahay meesha laga billaabay dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada".

Madaxweynaha Ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada ay ka hayaan Madaxtooyada dowlada puntland isagoona yiri.

''Waxaan boggaadinaya shaqada wanaagsan ee ay hayaan Ciidamada Madaxtooyada iyo Saraakiishoodu. Dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidamad, waxaa uu ka mid ahaa ballan qaadkii aynu sameynay xilligii doorashada waxaana filaya in hadda inta badan uu qorshahaasi inoo hirgalay, guud ahaana Puntland laga dareemayo isbedelka aynu ku sameynay Ciidamada". sidaasi waxaa yiri Mudane Siciid dani.
 
Gaba-gabadii Madaxweynaha hadalkiisa Ku soo xeray Guulaysta Ciidankeena meel walba oo aad ku sugan tihiin.








Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment