Saxmad Ku Saabsan Ciidul Fidriga Oo Laga dareemayo Suuqyada Kala Duwa Ee Magaalada Gaalkacyo

Wednesday April 27, 2022 - 13:50:13
0 Comments
412
GALKACYO

 

Qabaan qaabo xoogan ayaa ka socota suuqyada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo madaama ay fooda inagu soo hayso ciidul fidriga.


Waxaana Saxmad balaaran laga dareemayo Suuqyada Waaweeyn ee magaalada Galkacyo oo dhan, madaama dadweynaha kala duwan ay dharka iyo Alaabaha Ciida u iibinayaan Naftooda Caruurtooda.


Iniga Oo Ka Socday Meeraysane.com ayaa Booqasho ku tagay Suuqa Waysti gate oo kamid ah suuqyada ku yaalla magaalada Galkacyo, Waxaana siweyn uga socotay Xulashada Waxyaabaha ku saabsan Ciidul fidriga.


Isku soo duu duub waxaa dadweynaha kala duwan ee magaalada ku mashquulsan yihiin isku diyaarinta Ciidul fidrga oo fooda inagu soo haysa hadii alle idmo.

Axmed Max’ed Rajaa

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment