R/Wasaaraha XFS Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Shirkii Magaalada Geneva

Wednesday April 27, 2022 - 14:08:37
0 Comments
371
MUQDISHO

 

R/Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha dalka ka jira.


Mudane Rooble oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.


Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment