Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Hambaliyo U Direy Gudoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka Somaaliya.

Thursday April 28, 2022 - 13:49:06
0 Comments
342
BAYDHABA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Hambaliyo udirey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe.


 "Waxaan Hambaliyo leeyahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaan Rabi uga barinayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay.


Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu la garab galo xilka culus ee ugu dhaartay ka shaqaynta Danta Dalka, Dadka iyo Diinta.


Sidoo kale waxa uu xusay Madaxweynaha doorkii Wanaagsanaa ee ay ka qateen Xildhibaanada, Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka inay qabsoonto Doorasho Xur iyo Xalaal ah.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment