Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hambalyo u diray guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo kala doortay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaggoo u rajeeyey in alle uu u fududeeyo Waajibaadka qaran ee loo doortay.
Leave a comment