Qarax Khasaaro Nafeed Dhaliyay Oo ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Friday April 29, 2022 - 14:45:19
0 Comments
399
SHABEELADA HOOSE

Faah-faahino ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.


Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee degaanka Janaale, waxaana ku dhintay ilaa Afar Askari oo katirsan Ciidamada dowladda.


Dad ka Ag dhawaaa halkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa siweyn looga maqlay xaafadaha degaankaas ayna Arkeen dhaawaca askar iyo dad Shacab ah, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaad ee kuyaalla degaanka.


Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan jirin dad ilaa iyo hadda la sheegay in loo qabtay qaraxaasi.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment