Guddoonka Aqalka Sare Oo Yeeshay Kulan Ay Qodobo Dhoor Ah Uga Hadleen

Saturday April 30, 2022 - 15:33:31
0 Comments
363
MUQDISHO

Guddoonka cusub ee Aqaka Sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, waxa ayna kulankan uga hadleen arrimo dhoor ah oo quseeya shaqadooda.


Kulanka ay yeesheen guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa looga hadlay arrimahan.


1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.

 

2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10-aad.

 

3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare.


Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ciida kaddib ay kulamo yeeshaan, iyagoo guda galaan diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha iskana dhax magacaabaan xubnaha qaban qaabada doorashada ku matelaya.


Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa yeeshay guddoon rasmi ah kadib doorashooyin ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xildhibaanada labada aqal la filayaa in si wadajir ah u doortaan Madaxweynaha Soomaaliya.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment