Guddiga Doorashadda Galmudug Oo Soo Saaray Jadwalka Doorashadda Aqalka Sare Xubnaha Ka Dhiman

Wednesday November 10, 2021 - 12:37:41
0 Comments
16
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

Guddiga Doorashadda Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashadda 2 Xubnood ee ka dhimanaa Aqalka Sare ee maamulkaasi.

Diiwaan galinta Musharixiinta ayaa loo Asteeyay beri oo Khamiis ah, halka Hadal jeedinta iyo Doorashadana ay dhacayso Sabti oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 13 ka November.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu soo saaray Liiska Xubnihii ka dhimanaa Aqalka Sare oo u tartami doona Laba Kursi oo ka mid ah Kuraasta aqalka sare oo kala ah:-

Kursiga 1aad waxaa ku tartami doona Cabdi Xasan Cawaale ( Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali

Kursiga 2aad waxaa ku tartami doona Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed

Related Items


Leave a comment