Xuska 1-da May Ee Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Sunday May 01, 2022 - 14:57:57
0 Comments
477
XUSKA 1-MAY

Dalalka caalamka Oo Dhan ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa Maanta u dabbaaldegay munaasabadda1-da Mayoo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .


1-da May waa maalin ku weyn Bulshada caalamka oo dhan kuwaas oo u dabbaal degaya munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii ururada xoogsatada, iyo tacadiyadii lala beegsaday iyo sidoo kale halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.


Dhinaca dalka Soomaaliya Bishii Maajo 1949kii,waa markii ugu horeysay ee la bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,iyadoo gacan laga helayo, Xubno matalaya shaqaalaha oo taageero ka helaya Ururkii SYL ee gobanimo doonka.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment