Madaxweynaha JFS Oo Salaadda Ciidul Fidriga Ku Tukaday Masjidka Shuhadada Ee Madaxtooyada Qaranka (SAWIRRO)

Monday May 02, 2022 - 20:31:39
0 Comments
430
MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaadda Ciidda ka dib khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayaa ku boorriyey in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladdu ay ku bixisay ka shaqaynta midnida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed midoobaan, una guntadaan horumarinta dowladnimadooda.


Sidoo kale Salaada Ciida ee lagu tukaday masjidka shuhada ayaa waxaa ka soo qayb-galay mad kala duwan oo isugu jira wasiiro xildhibaano iyo Madaxdii dalka soo martay.





Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment