Qaramada Midoobay Oo Sheegtay in Saxafiinta Ku Sugan Soomaaliya Ay Halis Wajahayaan

Tuesday May 03, 2022 - 16:48:20
0 Comments
364
UNITED NATIOS

 

Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Qaramada Midoobay shaacisay in ay xoojinayso dowrka fir-fircoon ee hawl-wadeennada warbaahinta dalku ka cayaaraan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.


"Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.


Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda.


Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii, iyadoo 3-da Maajo loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.


Maalintani waxay xasuusin u tahay dawladaha oo la xasuusinayo baahida loo qabo inay ixtiraamaan ballan-qaadyadooda ku aaddan xorriyadda saxaafadda, iyo sidoo kale in la xuso mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda, qiimaynta xaaladda ay ku sugantahay xorriyadda saxaafadda ee adduunka oo dhan, laga difaaco saxaafadda weerarrada ka dhanka ah madax-bannaanidooda, iyo in la xuso saxafiyiintii naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment