Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida

Tuesday May 03, 2022 - 23:54:23
0 Comments
352
MUQDISHO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka, iyo sidii Ciidama u fahmi lahayeen masuuliyada saaran.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga  digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment