Gudoomiyaha Midowga Afrika Oo Cambaareeyay WeerarKii Al-Shabaab Ku Qaadeen Saldhig Ciidamada ATMIS

Wednesday May 04, 2022 - 14:49:51
0 Comments
361
MIDOWGA AFRICA

Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dagaalyahano katirsan Al Shabaab shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.


Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayuu ku cambaareeyay weerarka Al Shabaab ku dileen askarta katirsan ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Burundi.


Gudoomiyaha Midowga Afrika oo telfoon kula hadlay Madaxweynaha dalka Burundi ayaa uga tacsiyadeeyay askarta looga dilay gudaha Soomaaliya, isagoona caafimada deg-deg ah u rajeeyay askarta dhaawaca ah.


Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii shalay ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ee ku yaala deegaanka Ceel-Baraf ku dileen 173-askari oo u dhashay dalka Burundi,sidoo kale nolosha ku qabteen qaar kamid ah askarta la weeraray.


Midowga Afrika iyo taliska ciidamada ATMIS ayaan wali si rasmi ah u shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ee kuyaalay deegaanka Ceel-Baraf.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment