Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Dalka Burundi Oo Shaaciyay In Laga Dilay Askar Ka Tirsan Ciidanka ATMIS

Wednesday May 04, 2022 - 15:42:00
0 Comments
357
BURUNDI

Shalay ayeey ahayd markii ay Al Shabaab u suurto gashay in ay weerar ku qabsadaan xerada ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf taas oo ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka Burundi.


Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Burundi oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari oo katirsan ciidamada ATMIS gaar ahaan kasoo jeeda dalka Burundi laga dilay weerarka halka 22 kalena lagu dhaawacay.


Waxa uu sidoo kale sargaalkan sheegay in tobaneeyo askari oo katirsan ciidankooda nolosha lagu la’yahay, waxa uuna sheegay in aysan cadeyn in Al Shabaab u gacan galeen askarta maqan iyo in kale.


War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen saldhiga Ceel-Baraf ku dileen 173-askari oo katirsan ciidamada ATMIS, sidoo kale jiraan askar kale oo nolosha ku qabteen.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment