Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxwaynaha Oo Doortay Guddoomiye Iyo Ku Xigeenka

Thursday May 05, 2022 - 15:42:58
0 Comments
416
MJUQDISHO

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxwaynaha.

Xildhibaan, Maxamed Axmed beerreey oo la tartamayay guddoomiyaha cusub ayaa helay 5-cod, Sidoo kale Senator Cabdi ismaaciil samatar oo isna loollan ugu jiray xilka guddoomiyenimo ayaa helay 2- Cod, halka Senator Cabdiqani Geelle Maxamed uu helay 10-cod.

Waxaa isna xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada madaxwaynaha JFS Xildhibaan Maxamed keerow Maxamed ayaa ku guulaysay kadib markii uu helay 9-Cod.

Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 15 xubnood ayaa isugu jira labada Aqal, waxaana la filayaa in bishan gudaheeda ay diyaariyaan doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment