Al-Shabaab Oo Madaafiic Ah Ku Weeratay Saldhig Ciidamada ATMIS Ku Leeyihiin Degaanka Miir-taqwo Ee G/ Sh/dhexe.

Friday May 06, 2022 - 15:37:15
0 Comments
475
SH/ DHEXE

Kooxo Hubaysan Oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa tiro madaafiic ah ku weeraray saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin degaanka Miir-taqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe.


Dad ka Agdhawaa halkaasi ayaa sheegay inay madaafiic dhowr ah ku soo dhaceen degaanka, hase yeeshee aysan ogaan khasaaraha ka dhashay.


Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayay wararku sheegayaan iney dhankooda Madaafiic kale ku jawaaben, kuwaasoo ay la beegsadeen duleedka degaanka Ceel-baraf oo ay tuhunsanaayeen in laga soo duqeeyey.


Weli macada Khasaaraha ka dhashay madaafiicda labada dhinac isweydaarsadeen, hase yeshee weerarkaas ayaa ku soo aaday xilli maalmo ka hor ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment