Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxweynaha Oo La Kulmay Taliyaasha Ciidamada Police-ka Iyo Milatariga

Saturday May 07, 2022 - 16:22:12
0 Comments
390
MUQDISHO

Guddigaisku dhafka ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay taliyaasha Ciidamada police-ka iyo Milatariga dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.


Kulankaas ayaa diirada lagu saaray xaqiijinta amniga goobta ay doorashada ka dhaceyso iyo sidoo kale amniga guud ee caasimada inta doorashada socoto.


Guddiga doorashada ayaana taliyaasha ciidamada kala hadlay sidii ciidamada ammaanka ee waddooyinka jooga socodka ugu fududeyn lahaayeen Xildhibaanada labada Aqal ee ku sii jeeda teendhada Afisiyooni.


Xiligii Doorashada Guddoonka golaha shacabka ayaa ciidamada ammaanka waxa ay waddooyinka ka xirteen xildhibaanada gollaha shacabka ee kusii jeeday teendhada Afisiyooni, taas oo keentay in doorashada dib uga dhacdo xiligii loogu tala galay.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment