Madaxweynihii hore Oo Noqday Musharaxii Ugu Horeeyay Ee Qaatay Shahaadada Murashaxnimada Madaxweynaha 10-Aad Ee JFS

Sunday May 08, 2022 - 15:29:53
0 Comments
475
MUQDISHO

Maanta oo ku beegan tahay May 8,2022 ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.


Murashax Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.


15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment