Madaxweynaha JFS Oo ka mid Ahaa Musharixiintii Gudoomay Shahaadada Xilka Musharaxnimada madaxweynaha Dalka

Monday May 09, 2022 - 23:28:37
0 Comments
341
MUQDISHO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ee doorashada Madaxweynaha Somalia ee 15ka bishan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.


Diiwaan-gelinta ka dib Farmaajo ayaa qoraalka hoose soo dhigay baraha bulshada kaasoo ku bilowday sidatan.


''Waxaan Guddiga Isku-dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha si rasmi ah uga guddoomay, shahaadada musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha JFS annIgoo u gudbinay barnaamijkeenna siyaasadeed ee ku wajahan sii amba qaadidda isbeddelka socda ee dalka iyo qorsheyaashii horumarineed ee miro-dhalay''.


Maxadweyne farmaajo ayaa yiri Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta ay u leeyihiin sharci dejiyeyaasha Soomaaliyeed in ay dalka u doorayaan hoggaan la hubo, oo ku tilmaaman ilaalinta ammaanada iyo qarannimada, kana tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta dalka iyo adkaynta dowladnimada.


Waxaan Alle ka baryayaa in uu dalkeenna ku gallado horumar iyo xasillooni, annagana na waafajiyo sii ambaqaadidda isbeddellada horumarineed ee ka socda dalka.




Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment