Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee JFS Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Teendhada Afasiyooni

Tuesday May 10, 2022 - 22:32:55
0 Comments
403
AFISYOONI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.


Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya, Isaga oo ku amray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada Madaxweynaha. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.


Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in Ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan,Waxuuna faray saraakiisa Ciidanka Nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwa Booliska Soomaaliya in aysan ku xadgudbin dadka ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha, islamarkaasna waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.


Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda, iyada oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleenayaan diiwaan galinta Musharaxiinta ku baratameysa qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.

Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment