Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxweynaha Oo Soo Gaba-gabeeyay Diiwaangalinta Musharixiinta U Tartamaya Xilka Madaxweynaha (dhagayso)

Tuesday May 10, 2022 - 22:41:59
0 Comments
399
MUQDISHO

Guddiga isku dhafka ah ee Labada Gole Baarlamaanka 11-aad JFS u qaabilsan Doorashada Madaxweynaha 10-aad ayaa soo gaba-gabeeyay diiwaangalinta musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.


Guddiga oo soo gaba-gabeeyay diiwaangalinta musharixiinta xil madaxweynaha 10-aad JFS ayaa sheegay inay si rasmi isku diiwaangaliyeen 39 musharax oo la siiyay shahaadada mushraxnimo kadib markii ay soo dhameystireen sharuuudaha laga doonayo tartamayaasha.


dhinaca kale Guddiga isku dhafka ah ee Labada Aqal Baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha 10-aad ayaa soo saaray liiska hadal jeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.


Sida lagu xusay shaacinta guddiga maalinta koowaad ee hadal jeedinta musharixiinta oo ku beegan berri oo taariikhdu tahay 11-ka May, waxaa ku qoran illaa 20 musharax inay la hadlan mudaneyaasha Baarlamaanka 11-aad, iyaga oo soo bandhigii doona barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay tahay in lagu doorto.


Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda, ayada oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleeyeen diiwaan galinta Musharaxiinta ku baratameysa qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.



Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment