Madaxda dowlada Federalka Oo Ka Tacsiyeeysay Geerida Xaaskii Madaxweynihii Hore

Wednesday May 11, 2022 - 14:53:59
0 Comments
418
MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.


"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.


Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed guud ahaan oo ay ka geeriyootay Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, xaaskii Madaxwaynihii Hore AUN Cabdullahi Yusuf Axmed.


"Waxaan Allah uga baryayaain uu naxariistiisii ka waraabiyo, qabrigeeda u waasiciyo, hoygeedana janno ka dhigo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.


Meeraysane.com

 


Related Items


Leave a comment