Maanta Waxaa Teendhada Afisyooni Ka Socda Hadal-jeedinta Musharaxiinta U Tartamayo Madaxweynaha 10-Aaad Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,

Wednesday May 11, 2022 - 15:35:16
0 Comments
375
MUQDISHO

Maanta oo tariikhda tahay 11-05-2022: waxa Teendhada Afisyooni ka socda hadal-jeedinta Musharaxiinta u tartamayo Madaxweynaha 10-Aaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,sida uu ahaa jadwalka ay horay u shaaciyeen Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha.


Maanta waa maalintii kowaad ee hadal jeedinta Musharaxnimo Maanta oo ah 20- xubnood sida qorshuhu yahay,waxana xarunta teendhada Afisyooni waxaana aad loo adkeeyay Amniga goobta ay hadal jeedintu ka dhaceyso taas oo Amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo ciidanka police-ka Soomaaliya.


Shalay ayay ahayd markii Guddiga ay soo gaba-gabeyeen Diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya,iyadoo ay is diiwaangeliyeen 39-Musharaxa oo u taagan qabashada xilkaas.


Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto,


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment