Afar Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Barqanimadii Maanta Ka Dhacay Bar-koontorool Aga-gaarka Isgoyska km4 Ee Muqdisho

Wednesday May 11, 2022 - 15:50:53
0 Comments
413
MUQDISHO

Afar Ruux ayaa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay Bar-koontorool oo ku taalla Aga-gaarka Isgoyska km4 gaar ahaan Ciidanka NISA ee ku sugan halka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.


Xilliga qaraxa dhacayay ayaa ilo wareedyo sheegayaan in Bartaas koontorool ay ku sugnaayeen gaari uu saarnaa Taliyihii Saadka ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Garabey, Wasiirka Haweenka Xaniifo Xaabsade iyogudoomiyaha degmada Warta-Nabadda Saynab Xaabsey iyo masuuliyiin kale.


 Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa Afar Ruux oo laba askar yihiin, qof Shacab ah iyo Ninkii naftiisa haligay.


Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo qaraxa ka hadlay ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux, waxaana uu kusoo beegmay xilli Teendhada Afisiyooni ay Xildhibaannada labada Aqal ku dhageysanayeen khudbadaha musharrixiinta labada Aqal.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment