Maalintii labaad Xildhibaano Tiro Yar Oo Soo Xaadiray Hadal Jeedinta Musharaxiinta U Taagan Xilka Madaxweynaha JFS

Thursday May 12, 2022 - 15:35:42
0 Comments
412
MUQDISHO

Maalintii labaad waxaa Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka socota hadal jeedinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka soomaaliya.


Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka oo la filayay in ay si weyn u dhageestaan hadal jeedinta Musharaxiinta soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed ayaan soo xaadirin, waxaana fadhiga ka maqan inta badan Xildhibaanada.


Teendhada Afisiyooni waxaa ku sugan tiro Xildhibaano ah oon ka badneed 50-tameeyo u badan kuwa taageersan musharaxiin qaar, waxaana teendhada sidoo kale ku sugan guddoonka labada aqal.


Waxaa muuqaneysa in Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka aysan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha aysan ku xulaneyn waxqabad iyo soo bandhigida barnaamij siyaasadeed.


Si kasta ha noqotee waxaad modaa in Musharaxiin badan ay ka niyad jabeen hadal jeediinta iyo bandhigida barnaamij siyaasadeedkooda oo aysan fadhin xildhibaanadii ay codka ka dalban lahaayeen.

 


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment