Madaxweynaha JFS Oo Barnaamij siyaasadeedkiisa Ka Jeediyay Teendhada Afisyooni (Dhagayso).

Thursday May 12, 2022 - 16:07:04
0 Comments
456
AFISYOONI

Madaxweynaha JFS Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta teendhada Afisiyooni kahor aqriyay Barnaamij siyaasadeedkiisa haddii dib loo doorto.


Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxyaabihii wanaagsanaa ee u qabsoomay dowladda uu hoggaamiyo muddadii shanto sanno aheyd ee uu hayay talada dalka .


Waxa uu sheegay Farmaajo haddii mar kale dib loo doorto in uu la imaan doono waxqabad kasii wanaagsan tii uu horey usoo qabtay, waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada codkooda lagu kala baxayo in ay taageeraan isbadalka cusub uu hormuudka u yahay.


Farmaajo ayaa sheegay in idabadalka socda uu hoggaaminayo uu dalka u horseedayo wanaag fara badan, isagoo tilmaamay inay jiraan labo isbadal oo kala ah mid socda iyo midka fadhiidka ah.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal in aysan dooran Madaxweyne cusub uu tilmaamay in dalka dib u dhac u horseedayo ayna ku adkaaneyso in wax qabad la yimaado islamarkaasna dalka doorasho qof iyo cod ah dalka gaaro.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment