Taliska Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed Oo Bandow Ku Soo Magaalada Muqdisho ilaa Laga Doorto Madaxweyne Cusub (DHAGAYSO)

Saturday May 14, 2022 - 15:11:15
0 Comments
449
MUQDISHO

Taliska Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed ayaa bandow ka bilaanaya habeenkii xalay ahaa 9:00-Pm kuna ekaa 12-ka subaxnimo taas oo socon doonta ilaa isniinta soo socota si loo sugo Amniga magaalada Muqdisho, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.


Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Afhayeenka police-ka Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa looga gol-leeyay sugida amniga doorashada madaxweynaha iyo in lagaga hortago falalka amnidaro ee dhici kara.


" laga bilaabo habeenka sabtida oo caawa saddex saac waxaa la xiraayaa wadooyinka magaalada, waxaana dib loo furayaa 12-ka subaxnimo ee maalinta isniinta ah,” ayuu afhayeenka Booliska ku sheegay shir jiraa’id uu qabtay.


15-ka bishan oo beri ku beegan ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

 

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment