MUQDISHO
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa manta waxay kulan Amniga ku saabsan la yesheen gudigga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume.
Sidoo kale kulanka waxaa ka qayb-galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Police-ka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa saraakiisha lagu Amray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si Nabad-galyo ah.
Meeraysane.com
Leave a comment