Kooxda Chelsea Oo Caawa Cup-ka FA-ga Looga Qaaday Rigooreyaal

Saturday May 14, 2022 - 22:38:00
0 Comments
352
LODON CITY

Ciyaar aad loo wada sugaayay ayaa caawa 06:45-daqiiqo ka dhacday Wemplay Stadium oo ku yaalla magaalada landon ee dalka Britain taas oo u dhexeeysay kooxaha kala ah Chelsea iyo liverbool.


Kulanka ayaa ahaa mid finaal ah, islamarkaasna labada kooxood mid kastaa udbaheeda iyo dhigaheeda soo qaadatay si ay u noqoto kooxda ku guulaysata Cup-kaas.


Inkasta oo weerar iyo weerar celis uu ka dhacday garoonka hadana waxaa waqtigii loogu tala galay oo ahaa 90- daqiiqo ku dhamaaday 0:0 .


Waxaa lagu daray sida caadada ah 30-daqiiqo oo loo kala qaybiyay 15-iyo-15 taasna waxaa ay noqotay in koox kastaa ay ku dadaasho inaan laga guulaysan.


Intaasi kadib waxaa loo dareeray dhinaca rigooraha waxaana guusha ay ku raacday kooxda liverbool oo qaaday Cup-ka FA-ga xili ciyaareedkan.

 

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment