Musharax Xasan Shiikh Oo Ku Guulaystay Xilka Madaxweynaha Dalka 4-ta Sano Ee Soo Socota (DHAGAYSO)

Monday May 16, 2022 - 14:31:19
0 Comments
50
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

Waxaa la soo geba-gebeeyey tirinta codadka wareega 3-aad taas oo u dhexeeysay madaxweyne farmaajo iyo musharax madaxweyne xasan sheikh maxamuud.


Kadib markii ay wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha ee ka socota Teendhada Afisyooni ay ku hareen musharixiinta kala ah.

1-Saciid Cabdullaahi Deni 68-cod
4-Xasan Cali Kheyre 63-cod

 

Kuwaas oo keensaday codad aad uga hooseeya codadka labada madaxweyne Sida uu tilmaamay gudoonka baarlamanka islamarkaasna loo gudbay Wareega 3-ad ee doorashada.


Waxaana ku soo baxay doorashada madaxweynaha xasan sheikh oo helay codad garaya 214-cod halka madaxweyne farmaajo uu helay110-cod sidaasna looga guulaystay xilka madaxtinimada dalka 4-sano ee soo socota.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment