Shir Looga Hadlayay Dar-dar Gelinta Amniga G/Bari Oo Lagu Qabtay Magaalada Bosaaso

Monday November 22, 2021 - 15:09:58
0 Comments
13
Ahmed Rajaa
BOSAASO

Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo kulan ku saabsan xoojinta iyo dar-dar gelinta amaanka la qaatay Taliyaasha saldhigyada iyo gudoomiyayaasha xaafadaha magalada Bosaaso.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay Duqa Degmada Bosaaso C/qani, ku-xigeenkiisa, waxaana lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa adkaynta Amaanka magaalada bosaaso.

Taliya Qaybta Police-ka Gobolka Bari /sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa markii uu shirka soo dhamaaday la hadlay warbaahinta isagoo sheegay inuu u qabsoomay shir ku saabsan dar-dargelin amniga Magaalada Bosaaso.




Meeraysane.com




Related Items


Leave a comment