Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Hambalyo Diray Madaxweynaha Cusub

Monday May 16, 2022 - 14:58:51
0 Comments
470
MUQDISHO

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleestay doorasho xalay ka dhacday Muqdisho.


Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kala shaqeenayaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.


Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay sida madaxweynaha xilka ka degaya ee Farmaajo u aqbalay natiijada doorashada looga adkaaday isla markaana u ballanqaaday madaxweynaha cusub in uu la shaqeenayo.


”Qaramada Midoobay waxa ay bogaadinaysaa Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelay” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.


Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa ku ammaantay guddoomiyeyaasha labada Aqal a iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dhawwaan si degdeg ah ula wareego xilka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ugana shaqeeyo sidii uu usoo dhisi lahaa xukuumad cusub.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment