Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Qaabilay Safiirka Dalka Masar

Tuesday May 17, 2022 - 16:51:24
0 Comments
477
MUQDISHO

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta hoygiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar Amb. Mohamed El Baz oo u yimid salaan iyo hambalyo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Masar mudane Dr. Ali Abdel-Aal.


Wuxuu safiirku bogaadiyay dadaaladii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ku aaddanaa dhamaystirka doorashada ee ahayd mid xur iyo xalaal ah.


Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka guddoomay hambalyada uu danjiraha soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in labada dowladood ay kawada shaqeyn doonaan horumarada kala duwan ee labada dal.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment