Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Shaaciyay In Labo Kamid kuraasta Golaha Shacabka Lagu Qabanayo Dhuusamareeb

Tuesday November 23, 2021 - 14:16:58
0 Comments
8
Ahmed Rajaa
DHUUSAMAREEB

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo lahadalay warbaahinta ayaa sheegay in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah.

1-HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge.

2-HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment